Deg deg Donald Trump Iiran waxay doonaysaa inay heshiis halkii ay wajihi lahayd tallaabo militari

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay doonayso inay heshiis gaarto halkii ay wajihi lahayd tallaabo militari oo ka timaadda Maraykanka inkasta oo Tehran ay ku adkaysanayso in nidaamyadeeda gantaallada iyo difaacu marnaba aanay noqon doonin kuwo wadaxaajood lagu galo,,

Waxaan dhihi karaa waa doonayaan inay heshiis gaaraan ayuu Donald Trump ugu sheegay weriyeyaasha Aqalka Cad Jimcihii markii wax laga weydiiyay ururinta ciidamada Maraykanka ee Gacanka isaga oo aan faahfaahin bixin

Arbacadii ayuu Tehran uga digay in waqtigu sii dhammaanayo si heshiis looga wada xaajoodo barnaamijkeeda nukliyeerka kaddib markii maraakiib badan oo ciidanka badda Maraykanka ah ay kusoo urureen meel u dhow dalkaas

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran ayaa sheegay in aanay hadda jirin wadahadallo lala yeelanayo Maraykanka balse Tehran ay diyaar u tahay wadaxaajood ku salaysan ixtiraam iyo kalsooni labada dhinac ah

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *