Deg deg Donald Trump weydiintii ictiraafka Somaliland muxuu ka yiri ?

Tan iyo markii uu soo baxay warka la xidhiidha ictiraafka Somaliland ee Israa’iil, waxaa isa soo tarayay su’aalaha ku saabsan mowqifka Maraykanka. Weriyaha BBC-da Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil oo la hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayay u sheegeen aanay hadda BBC-da u xaqiijin karin in ay ay aqoonsanayaan Somaliland iyo in kale.

Maraykanku wuxuu xaqiijiyay inuu xidhiidh shaqo oo wanaagsan la leeyahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo danaha dhaqaale

Dhinaca kale, Maraykanku wuxuu kordhiyay booqashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan safarro uu sameeyay Taliyaha Africom, Gen. Dagvin Anderson, kuna jiraan booqasho uu ku tagay Berbera bishii Nofeembar 2025, inkasta oo Washington aanay weli ka jawaabin su’aalaha ku saabsan danaha gaarka ah ee Berbera.

Gudaha Maraykanka, siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, oo ay ka mid yihiin Senator Ted Cruz iyo Kongareesman Scott Perry, ayaa si cad u taageeraya in Maraykanku aqoonsado Somaliland, iyaga oo ku dooday muhiimadda istaraatiijiyadeed ee goobteeda juqraafiyeed, gaar ahaan Bab el-Mandeb, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dooddan ayaa sii xoogaysatay kaddib soo bixiddii qorshaha 2025, qorshahaas oo marka laga hadlayo Afrikada Saxaraha ka hoosaysa lagaga hadlay uun — Somaliland iyo Jabuuti — waxaana lagu soo jeedinayaa in la aqoonsado dowladnimada Somaliland

H3 Kaptankhalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *