Deg deg Mareykanka oo dadka iran u jooga digniin udirey..?

Mareykanka ayaa soo saaray digniin toos ah oo loo diray muwaadiniintiisa kaga sugan dalka IRAN waxaana laga dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan guud ahaan dalkaasi kadib qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Iran qaabilsan

Dalka Cumaan waxaa maanta ka dhacaya wadahadalada u dhaxeeyo Iran iyo Mareykanka muddo sideed bil kadib iyadoo dhinaca kalana labada dal ay dhaqdhaqaaq ciidan sameynayaan

Marka aad eegto Sharuudaha Mareykanka iyo Iran ay la tagayaan miiska wadahadalka waxaa muuqata inay adkaan doonto in heshiis la gaaro maxaa yeelay ruux kastaa wuxuu geedka ka saaran yahay halka ugu sareyso mana ogola inuu soo dago

ISR ayaa dhankeeda kusoo darsatay Seddex Shardi oo adag waxaana ugu muhiimsan in Iran lagu qasbo ka tanaasulidda gantaalada Balaastiiga ee gaari karaya ISR iyo inay joojiso taageerada saaxiibadeeda gobolka ku sugan

Mareykanka wuxuu dhaqaajiyay Markabka Abraham Lincoln waxaana la geeyay goob uu Iran ka duqeyn karo Dhanka Iran waxaa la rakibay Gantaalo cusub oo Balaastiig ah oo gaari kara ila 2000 oo KM

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *