Deg deg reysal wasaaraha dalka Senegal Ousmane Sonko

Raysal wasaaraha dalka Senegal Ousmane Sonko ayaa maalinta berri ah ku wajahan dalka Morocco halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad la xidhiidha dad taageero u ahaa xulkii ku guulaystay Koobka Qaaradda Afrika ee dhowaan ka qabsoomay magaalada Rabaat.

Sonko ayaa doonaya in uu soo damiinto 18 qof oo ku eedaysan in ay rabshado ka sameeyeen ciyaartii Morocco iyo Senegal gaar ahaanna in ay qayb ka ahaayeen dad taarabuunka ku sugnaa oo kuraas ku soo tuuray gudaha garoonka dib khilaafkii ciyaarta ka dhacay.

Senegal ayaa doonaysa in taageerayaashan la sii daayo lagana baajiyo maxkamad loo qorshayey maalinta Khamiista ee soo socota.

H2 Mohamed osman

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *