Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Loollan siyaasadeed iyo mid amni ayaa si isa soo taraysa uga curtay Geeska Afrika, xilli dunidu wajahayso isbeddello waaweyn, isla markaana laga baqayo dagaallo culus oo ka holcaya Bariga Dhexe. Soomaaliya, oo leh muhiimad juqraafiyeed iyo istiraatiiji ah, ayaa mar kale noqotay dal ay si gaar ah indhaha ugu hayaan quwadaha isbaratamaya.
Wargeyska The Middle East Eye, oo inta badan u janjeera siyaasadda Maamulka Ankara, ayaa sheegay in Turkigu uu Muqdisho geeyay shixnado militari iyo qalab ciidan oo casri ah. Waxaa kamid ah diyaaradaha dagaalka ee F-16, halka ilo amni ay xaqiijiyeen in ilaa toban diyaaradood oo xamuul ah ay sidoo kale gaareen caasimadda.
Xogaha amniga ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay Turkigu ujeedkeedu yahay ilaalinta maraakiibta shidaalka qodaya, iyo saldhigyada laga tuuro dayax-gacameedyada iyo gantaallada ee uu heshiisyo kaga helay Soomaaliya. Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli dalal badan oo Bariga Dhexe ah ay walaac ka muujiyeen saameynta sii kordheysa ee Turkiga ku leeyahay Geeska Afrika.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha Ciidamada Xoogga u magacowday sargaal soo maray kuliyadaha dagaalka ee Turkiga. Isku geynta tallaabooyinkan waxay muujinayaan in Muqdisho ay noqotay bar istiraatiiji ah oo ay quwadaha caalamku ku hardamayaan.