Deg deg wasiirka koofurgalbeed oo sheegay qoladii qal qal gelinta amni wadey in lasoo af jarey

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxaa saaka mar kale dib ugu qarxay dagaal shalay soo bilowday.

Xogo aan halkaas ka helnay ayaa sheegaya in isbitaallada magaalada qaar la geeyay ilaa 10 qof oo radiy ah, kuwaas oo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo meleeshiyo ah.Dagaalkan ayaa shalay ka bilowday arrimo salka ku haya dhul, balse markii dambe waxay u xuub siibatay khilaaf siyaasadeed

Isgaarsiinta ayaa ka go’na magaalada tan iyo gelinkii dambe ee shalay.Labada ciidan ee iska soo hor jeeda ayaa lagu soo warramaya inayisu adeegsanayaan hub culus

Shalay, wasiirka war-faafinta maamulka Koonfur galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo hadlay ayaa sheegay in xaalado kooban oo amni darro ay ka dhaceen magaalada, isagoo xusay in kooxo uu ku tilmaamay mooryaan ay isku dayeen in ay khal-khal galiyaan amniga magaalada taasoo sida uu hadalka u yiri ay ka hortageen ciidamada maamulkaas

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in kooxahaasi ay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ka sameyeen falal amniga liddi ku ah isla markaana ciidamadu ka qaaden tallaabooyin guulastay oo lagu soo afjaray

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *