Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay dalka Ingiriiska in uu ganacsi la sameynta Shiinaha taasoo noqon karta arrin aad khatar u leh si gaar ah Uk.
Hadalkan Madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii la shaaciyay heshiisyo lagu kordhinayo ganacsiga iyo maalgashiga oo u dhexeeya UK iyo Shiinaha kadib kulammo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping
Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu haatan ku sugan yahay Shanghai maalintii saddexaad ee booqashadiisa Shiinaha.
Isagoo ka hadlayay munaasabad, Madaxweyne Trump wuxuu Madaxweynaha Xi ugu yeeray saaxiib wuxuuna sheegay inuu si aad ah u yaqaan Madaxweynaha Shiinaha.
Heshiiska Hindiya-Yurub booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Shiinaha iyo iska caabbinta caalamiga ah ayaa sii kordhinaysa welwelka Trump
Wasiirka Ganacsiga Britain Sir Chris Bryant ayaa hadalka Trump ku tilmaamay qalad wuxuuna sheegay in ay noqon lahayd waali buuxda haddii Britain ay iska indhatirto joogitaanka Shiinaha ee masraxa caalamka
Dabcan waxaan la galnaa xiriir Shiinaha anagoo si buuxda uga warqabna ayuu intaa ku daray. Wasiirka Britain ayaa sidoo kale xusay in Donald Trump laftiisu qorsheynayo inuu booqdo Shiinaha bishii Abriil