Dowlada shiinaha oo dhahdey somaliland waa Gobol kaa tirsan dowlada somalia🇸🇴

“Somaliland waa qayb (gobol) kamid ah Soomaaliya”. Safaaradda Shiinaha ee Muqidsho.

Safaaradda dalka Shiinahu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa falcelin ka samaysay hadal uu faafiyay Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland oo sheegay inay Soomaaliya ay ku fashilantay ammaanka martida u imaanaysa.

Wasiirka Soomaliland ayaa isticmaalay hadal gacan kusamays ah oo laga sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha.

Safaaradda Shiinahu ku leeyahay Muqdisho oo aragtay qoraalka Wasiirka Somaliland ayaa si adag uga falcelisay waxayna tiri “ Somaliland waa qayb (gobolka) kamid ah Soomaaliya, wax kasta haddii aad sameysaan waxba kama badali kartaan Xaqiiqda”

Hadalka Safaaradda ayaa si toos ah meesha uga saaray doonis kasta oo ay Somaliland ku sheeganaysay inay tahay dal gaar ah.

Shiinaha ayaa marar badan sheegay inuu aaminsan yahay siyaasadda hal Soomaaliya ah, uuna u taagan yahay dhawrista Midnimada Soomaaliya see more………..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *