Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac ayaa ku jiro daqiiqado muhiim ah, kaddib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay ciidanka dawladda Suuriya inay la wareegeen labadii ceel ee shidaalka ugu badan ee Suuriya laga soo saari jiray , ka hor 2010 , inta uusan qarxin dagaalkii sokeeye waqtigaa dhaqaalaha dawladda Suuriya 50%, wuxuu ku tiirsanaa labada ceel ee mar kale maanta gacanta Dimishiq ku soo laabtay
Hadda, markii ugu horreysay muddo ku dhow 15 sano, ciidanka Suuriya ayaa dib u soo celiyay qayb ka mid ah ceelashii ugu muhiimsanaa ee Suuriya gaar ahaan kuwa ku yaalla miyiga Raqqa Qabsashada ceelasha Safyan iyo Al-Thawra ayaa qeyb ka ahayn howlgal milatari oo ciidanka dawladda Suuriya ay billaabeen.
Markii ceelashaas la xaqiijiyay, ciidanka Suuriya waxay u gudbeen isgoyska Rasafa, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira Raqqa, Tabqa iyo koonfurta Suuriya. Qabsashada Rasafa ayaa furtay waddo toos ah oo lagu gaari karo saldhigga Tabqa oo hadda gacanta ciidanka dawladda galay.
Qabsashada saldhigga Tabqa waxay ka dhigan tahay wax ka badan guul ciidan. Tabqa waa meel xakameysa dhaqdhaqaaqa militari ee Raqqa, waxayna ku taallaa bartamaha isku socodka Webiga Furaat, ceelasha shidaalka, iyo waddooyinka waaweyn ee waqooyi iyo galbeed Suuriya