Sida kucad warka wakiillada caalamiga ah (sida Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada deeq-bixiyeyaasha) ay ku sheegeen in Mudo xileedka dastuuriga ah ee Hay’addaha DFS ka haray wax kayar bilo, maxay ula jeedaan.
Muddada xilka ee ku qoran Dastuurka KMG (madaxweynaha, baarlamaanka, iyo hay’adaha kale waa afar sano, lamana aqoonsana wax kabedelkiisa” mudada 4-ta sanana waa dhammaad, hala aado dhab u hadal.
Doorasho ama heshiis siyaasadeed oo beddel ah waa in la gaaraa ka hor dhammaadka mudo xileedka, si aan loo gelin firaaq sharci (constitutional vacuum), tan waa mida ay Golaha Mustaqbalka dalbanayaan, laakiin Villa Somalia majecla mana doonayso.
Wixii ka dambeeya waqtigaas, sharciyadda hay’adaha dowladda way muran gelaysaa haddii aan la helin is-afgarad ballaaran, waana dooda JL iyo PL ay kusheegayaan in ay doorasho gaar ah bilaabayaan.
Si Kooban beesha caalamku waxay ugu yiraahdeeb MW Xassan Sheikh “saacadda mudo xileedka way socotaa”.