Breaking news

Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay inuu galabta wadahadal taleefan la yeeshay Madaxweyne Donald Trump, isagoo uga mahadceliyay wada-hadalkaas furan.

Duqa magaalada ayaa madaxweynaha u caddeeyay in Magaalada Minneapolis ay si weyn uga faa’iidaysatay bulshooyinka muhaajiriinta ah, isla markaana uu si cad u sheegay in codsigiisa ugu weyn uu yahay in Howlgalka Operation Metro Surge la soo afjaro. Madaxweyne Trump ayaa oggolaaday in xaaladda hadda jirta aysan sii socon karin.

Duqa magaalada ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada federaalka ay bilaabi doonaan inay ka baxaan deegaanka laga bilaabo berri, wuxuuna intaa ku daray inuu sii wadi doono dadaalka ilaa dhammaan ciidamada ku lugta leh howlgalkaas ay ka baxaan magaalada.

Frey wuxuu adkeeyay in Minneapolis ay sii wadi doonto la shaqeynta hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal marka ay timaaddo baaritaannada dambiyada dhabta ah, balse aysan ka qayb qaadan doonin xarigyo ka hor imanaya Dastuurka Mareykanka ama fulinta sharciyada socdaalka ee federaalka.

“Dambiilayaasha sameeya falal rabshado wata waa in lagula xisaabtamaa dambiyada ay galeen, ee ma aha halka ay ka yimaadeen,” ayuu yiri Duqa Minneapolis.

Ugu dambayn, Duqa magaalada ayaa sheegay inuu berri la kulmi doono Tom Homan, oo ah masuulka Trump u magacaabay arrintan (Border Czar), si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka xiga iyo jihada howlgalka.

Repor 🌍 Politics & Global Affairs

H1 kaptanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *