Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Nin ayaa rabshad ka abuuray kulan dadweyne oo ay qabanaysay xildhibaanad Ilhaan Cumar kaddib markii uu ku saydhiyay dareere aan la aqoon waxa uu yahay oo lahaa ur aan habboonayn.Kulkanka dadweyne ayaa ka dhacayay Minneapolis Talaadadii, xilli ay cambaareynaysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.
Muuqaal bahay ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya xildhibaanadda oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareere. Nin kale oo weyn ayaa islamarkiiba qabtay, dhulka ku tuuray kana hor istaagay.Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.
Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in saraakiishii goobta joogtay ay arkeen ninka oo isticmaalaya irbad si uu ugu buufiyo dareere aan la garanayn waxa uu yahay. Booliisku waxay si degdeg ah u xidheen ninkaasi iyaga oo ku eedeeyay weerar darajada saddexaad ah, waxayna sheegeen in Ilhaan aanu wax dhaawac ah soo gaadhin. saynisyahanno ayaa goobta yimid si ay u baadhaan dhacdada, sida ay booliisku sheegeen.
Ilhaan ayaa tidhi “waxaan u baahan nahay masarka wax lagu tirtiro,,,,,