Deg deg Xog laga helay Safar Xog-haye ku xigeenka arrimaha dibadda ee Maraykanku halkee ayuu ku socdaa

Deg deg Xog laga helay Safar Xog-haye ku xigeenka arrimaha dibadda ee Maraykanku halkee ayuu ku socdaa

Xogo dheeraad ah ayaa ka soo baxay ujeeddada safar Xoghaye ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka Christopher Landau iyo Taliyaha ciidanka Maraykanka ee AFRICOM Dagvin Anderson kuwaas oo safar ku maray afar dal oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Lugtii koowaad ee safarkooda waxa ay weftigan ku soo mareen dalka Masar iyaga oo kala hadlay arrimaha ka taagan Geeska Afrika iyo qaybo ka mid ah gobolka bariga dhexe.

Warbaahinta Egypt Today ayaa sheegtay in arrimihii weftiga Maraykanku kala hadleen dalka Masar ay ku jireen arrinka biyo xidheenka, nabadda Qasa iyo aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale Xoghaye ku xigeenka oo ka soo degay magaalada Addis ababa ayaa la kulmay Raysal wasaare Abiy Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia, kuwaas oo ay ka wada hadleen xiisadda Masar, xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha bad raadinta Ethiopia.

Weftigan ayaa sidoo kale la filayaa in ay booqdaan waddamada Djibouti iyo Kenya iyaga oo la gorfayn doona arrimaha ka taagan Geeska Afrika wakhti xaadirkan

H1Mohamed osma

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *