Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Barriga Dhexe ayaa kujira saacado isbedeladu sareeyaan Colaad ma hurtana u muuqda Afar kamid diyaaradaha milateri ee Shidaalka Hawada kusiiya Diyaaradaha dagaalka ayaa ka duulay Qatar xili xaaladdu marayso aag xasaasi ah lamana yaqaan halka adeen
U.S. KC-135R Stratotanker horey waxay socdaalkan oo kale sameeyeen intii lagu jiray duulaankii Trump ku wajahay xarumaha Nuclear-ka Iran bartamihii sannadkii hore
Dadaalka diblumaasiga ayaa sareeya Qatar wasiirkeeda arrimaha dibada ahna RW dalkaas ayaa fariin kama dambeys ah geeyey Tehran in ay xukunka Iran u aqbalaan doonista Mareykanka waxbana horusocod ah lama sheegin Turkiga ayaa ku cadaadiyey Tehran is dhiibid iyana isbedel lama warin Sacuudiga waxay u sheegeen Trump in lagaaray waqtigii la bedeli lahaa Wadaada Shiicada Iran sida ay tabisay Axios
Trump ayaa sii sheegay in madaxda Khaliijka aan loo sheegi doonin qorshaha Aqalka Cad ee Iran laga leeyahay xili kaliya saldhigyadooda loo adeegsanayo duulaankan
Waxaan rajaynayaa in aan Iran la gaari karno heshiis la aqbali karo Iiraaniyiintu si dhab ah ayay u wada xaajoonayaan Haddii aan gaari karno heshiis ay ku jiraan ka tanaasulidda hubka nukliyeerka (taasina way fiicnaan lahayd) ayuu yiri MW Mareykanku saacado kahor laakiin xagga Iran lagama sheegin Tanaasul