Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Dawladda Somaaliya oo hawada ka celisay ciidan la socday weftiyo ka yimi Kismaayo iyo Garoowe
Dawladda Somaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo hadal-hayn ballaadhan dhalisay kaddib markii hawada laga celiyey ciidan ka yimi magalooyinka Kismaayo iyo Garoowe kuwas oo ku sii jeeday magalada Muqdisho
Ciidankan ayaa la socday diyaarado ay hor kacayeen weftiyo ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Weftiyadan ayaa lagu waday in ay ka qaybgalaan shir lagaga tashanayo arrimaha dorashada Soomaaliya
Cidamo hub culus ku qalabaysan
Ka hor inta aan hawada laga celin waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaallo muujinaya ciidankaasi oo ku qalabaysan hub aad u culus Ciidanku waxay u ekaayeen kuwo si gaar ah loo tababaray isla markaana watay hub ay ka mid yihiin qoryaha garabka laga rido sida Sebenka iyo kuwo la mid ah
Jawabta Puntland iyo Jubbaland
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag uga falceliyey tallaabadaasi. Labada maamul ayaa wadajir u cambaareeyey go’aanka ay qaadday dawladda federaalka
Puntland ayaa ku eedaysay madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, in uu halis geliyey ciidankoodii hawada ku jirey Dhankeeda Jubbaland ayaa sheegtay in Villa Somalia aanay diyaar u ahayn wada-xaajood dhab ah oo lagaga hadlo xaaladda siyasadeed ee sii cakirmaysa
p_one
.