Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


In hawada laga celiyo diyaarad ay la socdeen ilaalada madaxda maamul goboleedyada ugu awoodda badan dalka, waxay markale bannaanka soo dhigtay kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Xasan Sheekh, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh hore u sheegay inuu ka laabtay go’aankii lagu soo qaban lahaa Axmed Madoobe, haddana tallaabadan lagu celiyey diyaaradda ilaalada sidday waxay calaamad u tahay kalsooni darrada ka jirta wada-tashiga siyaasadeed ee Villa Somalia.
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni waxay arrintan u arkaan caddayn muujinaysa in aanu jirin daacadnimo ku aaddan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer taagnaa. Waxaa la filayaa in ay dib uga laabtaan safarkooda Muqdisho ilaa laga oggolaado in ay la yimaadaan ilaaladooda gaarka ah.
Isbarbardhig: Xasan Sheekh iyo FarmaajoXilligii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Siciid Deni marar badan ayuu Muqdisho la tagay ciidamo hubaysan, mana jirin wax is-hor-taag ah oo lagu sameeyey. Arrintan ayaa muujinaysa kala duwanaanshaha hab-maamul ee u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Farmaajo.
Shirka wada-tashiga oo halis wajahayaShirka wada-tashiga arrimaha Soomaaliya ayaa hadda u muuqda mid wajahaya fashil weyn. Waxaa la filayaa in ugu yaraan uu dib uga dhaco wakhtigii hore loogu qorsheeyey in la qabto