31 sano ka hor mante oo kale..

Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere) oo ahaa laba duuliye oo u dhashay dalka Kenya ayaa xafiiskooda ku yaallay garoonka diyaaradaha Wilson ee Nairobi

Labada duuliye oo ku guda jiray shaqadooda maalinlaha ah ayaa waxaa u yimid diblomaasi u dhashay dalka Nayjeeriya Diblomaasigaasi wuxuu ka codsaday inay diyaaraddooda ku soo qaadaan meydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya

Maxamed Siyaad Barre si loogu aaso dalkiisa hooyo markii uu ku geriyooday magaalada Lagos Xuseen Maxamed Canshuur oo hore u ahaa kabtan ka tirsanaa Ciidamada Cirka ee Kenya isaga iyo Maxamed Aadan waxay wada lahaayeen shirkadda

duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee Bluebird Aviation Shirkaddaas ayaa ka mid ahayd shirkadihii ugu weynaa Kenya xilligaas

Isagoo markii ugu horreysay Canshuur la hadley BBC-da una sheegay in diblomaasigii Nayjeeriyaanka ahaa uu si cad u codsaday in diyaarad loo kireeyo isla markaana si qarsoodi ah loogu soo qaado meydka Siyaad Barre lagana keeno Lagos loona qaado Garbahaarrey ee koonfurta Soomaaliya

Maxamed Siyaad Barre wuxuu Soomaaliya ka baxay 28-kii Janaayo 1991 kaddib markii xukunka laga tuuray Soo qaadista meydkiisa waxay noqotay arrin aad u murugsan oo siyaasadeed taas oo ay ku lug lahaayeen dowlado badan isla markaana dhalin kartay khilaaf diblomaasiyadeed

Mr Mohamed osmaam

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *