Maraykanku sida uu u arko in la aqoonsado Somaliland

Tan iyo markii uu soo baxay warka la xidhiidha ictiraafka Somaliland ee Israa’iil waxaa si weyn la isu weydiinayay sida uu Maraykanku u arko arrintan

waxan xidhiidh gaar ah la samaynay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka annaga oo wax ka weydiinnay mowqifka Maraykanka ee ku aaddan Somaliland iyo arrimaha si guud ku gedaaman

Maraykanka ayaa si gaar ah u sheegay in aanay hadda war cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland

Iyaga oo dhanka kale Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka uu mar kale ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya

Halka sidaas oo kale uu Mareykanka xaqiijiyay in xidhiidh wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo Somaliland iyo maamul hoosaadyada kale ee uu kaashado gaar ahaan kuwa ay ka mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada amniga iyo danaha dhaqaalaha

H3 Kaptankhalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *