Deg deg somalia oo Pakistan kasoo ibsaneyso diyaarada Jf-17

Warkaan hadduu dhab noqdo Somalia waa guulaysatay, mana u baahan doonto in ciidan shisheeye ilaaliyaan amniga dadkeenna, Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu noqon doonaa halyay baal dahab ka gala taariikhda Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in magaalada Islamabad ee caasimadda Pakistan lagu arkay taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya, oo dalkaas u jooga heshiis dowladda Soomaaliya ku soo iibsaneyso diyaaradda JF-17 oo kamid ah kuwa ugu casrisan oo illaa iyo hadda kaliya lagu arkay dalalka Myanmar, Nigeria, iyo Azerbaijan. Diyaaradda JF-17 Thunder (oo Shiinaha looga yaqaano FC-1 Xiaolong) waa diyaarad dagaal oo casri ah, fudud, isla markaana qaban karta hawlgallo kala duwan (multirole). Waxaa si wadajir ah u soo saaray dalalka Pakistan iyo Shiinaha.

Maanta ayay ahayd markii Muqdisho lagu arkay diyaaradda F-16 oo ay dowladda Soomaaliya ka heshay Turkiga, haddaba malloo qaadan karaa in dalkeenna cashir ka bartay daandaansigii Itoobiya oo damac ka soo galay xeebaha Soomaaliya? Madaxweyne Xasan ma wuxuu ka carooday faragelinta Israa ee madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda? Mise wuxuu ugu tala galay dagaalka AS? Aragtidaada nala wadaag bilaa turxaan?

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *