Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Muuqaalka diyaaradda F-16 oo ka duulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dul heehaabaysa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada
Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin joogista diyaaradahaan gudaha Soomaaliya ka hor shalay xilligaas oo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya uu xusay joogistooda Soomaaliya
Isaga oo ka hadlayay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kii hore ayuu wasiirka gaashaandhigu sheegay in diyaarada nuuceedu yaahy F-16 loo keenay ciidamada Soomaaliya
Shalay markii ay diyaaradaha Turkigu kaceen F-16 ka ah ee ciidanka xoogga dalka loo keenay ayaa murti igu soo dagtay ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi isaga oo intaa kadib tiryay tix kooban oo iyana caan ka noqotay baraha bulshada
Sida uu sheegay wasiirku diyaaradahaan ayaa waxaa iska leh dowladda Turkiga oo sida uu sheegay uga faa’iideynaysa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah
Turkiga ayaa Soomaaliya haatan si wayn uga taageera dhanka amniga iyaga oo tababara ciidamada qaar saanad milatari ku gargaara
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Turkiga uu Soomaaliya keenay diyaarado ay ka mid yihiin T129 ATAK, oo ah diyaarad si qumaati ah u kacda taa oo si wayn uga qayb qaadata dagaalada