Deg deg war cusub oo ka soo kordhay Itoobiya

Dowladda federaalka ayaa ciidamo u diraysa Gobolka Tigray, sida ay sheegtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF)

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, xisbigu wuxuu ku eedeeyay Addis Ababa inay samaynayso “diyaar-garroow ciidan oo cusub” oo ka dhan ah Tigray, iyagoo xiganaya iska-horimaadyo dhowaan dhacay

Dowladda Itoobiya hadda waxay waddaa dhaqdhaqaaq ballaaran oo hub iyo ciidamo ah, taas oo Tigray ku riixaysa inuu galo wareeg kale oo dagaal dhiig leh,” ayaa lagu yiri bayaanka

TPLF iyo shacabka Tigray waxay doonayaan in Heshiiska Pretoria la hirgeliyo,” ayuu war-saxaafadeedku intaas raaciyey

TPLF waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago dagaal labaad

Si kastaba ha ahaatee, TPLF ma aysan caddeyn halka lagu arkay dhaqdhaqaaqaas

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *