Aroortii Guusha iyo Geerida

Maalin Isku Jirtay Guul iyo Guuldarro

20-02-2025 waxay ahayd maalin adag. Waxaa is raacay guul iyo guuldarro. Khawaarijta AS waxay waayeen horjoogayaal muhiim ah. Dowladda Soomaaliya se waxay lumisay deegaano muhiim ah.

Sida Dagaalku ku bilowday

Aroortii hore ee Khamiista, AS waxay weerar ku qaadday saddex deegaan. Deegaanadaas waa Ceel Cali Axmed, Daaru-nicma, iyo Cali Fooldheere. Dhammaantood waxay ka tirsan yihiin Shabeellaha Dhexe.

Weerarku wuxuu ku bilowday qaraxyo. Kadibna dagaal ayaa dhacay. Ciidamo kooban ayaa ku sugnaa Daaru-nicma. Kooxdu si degdeg ah ayay u jebisay difaacaas.

Dagaalka Oo Fiday

Markii dambe, dagaalku wuu sii fiday. AS waxay gaareen Caadleey iyo Ceelbaraf. Meelo qaar way galeen. Laakiin marar badan waa laga saaray

Fiidkii, waxay isku dayeen inay galaan Miir-tuugo. Hase yeeshee, kuma aysan guuleysan inay qabsadaan.

Jabkii Ceel Cali Axmed

Ceel Cali Axmed waxaa ka dhacay dagaal culus. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad badan ay weerar soo qaadeen. Laakiin askar tiro yar ah ayaa iska caabisay.

Dagaalkaas waxaa lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa AS. Tani waxay noqotay jab weyn oo soo gaaray kooxda.

Khasaaraha Labada Dhinac

Dowladda waxay sheegtay in maleeshiyaad badan la dilay. Waxaa sidoo kale la sheegay in gaadiid la gubay ama la qabsaday.

Dhanka kale, dowladda waxay dib uga baxday saddex degmo waaweyn iyo deegaano kale oo badan oo ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gunaanad

Ugu dambeyn, dagaalku ma lahayn guul cad. Labada dhinacba waxay sheegteen guul. Labada dhinacba sidoo kale khasaare ayay la kulmeen.Waxay ahayd maalin muujisay in dagaalku mar walba leeyahay laba waji:

guul iyo geeri

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *