Trump oo weeraray Soomaalida iyo Ilhan Cumar oo ku qaylisay intuu hadlayay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbad ka soo jeediyey xarunta capitol hill ee ah aqalka Congress ka ee dalka Maraykanka waxa uu weerar afka ah ku qaaday Soomaalida.

Isagoo ka hadlayay wuxu ku tilmaamay musuqmaasuqa ka dhacaya Mareykanka, madaxweyne Trump wuxuu ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenkiisa, JD Vance, uu hoggaamin doono dagaal ka dhan ah wax isdaba marinta.

Waxa uu sheegay in aysan jirin tusaale ka yaab badan Minnesota, gobolka ay dagan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mraykanka, halkaas oo uu amray in lagu bilaabo la dagaalanka soogalootiga iyo dembiyada kale.

Hadallo deelqaaf ah, ayuu Mr Trump si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota isigoo sheegay iney bilayiin dollar dhunsadeen

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, ahna gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto Congress-ka, ayaa ku qeylisay Trump iyada oo istaagtay korna ugu qaylisay in Trump uu yahay beenaale.

Waxay ag fadhisay wakiilka Dimuqraadiga ee Rashida Tlaib, oo iyaduna ka falcelisay hadaladii qadafka ahaa ee Trump.

Haweenay ka tirsan Congress-ka oo dhanka kale ka fadhisay Ilhan Cumar ayaa gacanta ka qabatey xildhibaanada

H3 Kaptankhaalid.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *