Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo waraysi gaar ah bixiyay ayaa ka hadlay saddex qodob oo uu dhowaan sheegay madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo la xiriira heshiiska Somaliland iyo Israaiil
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid khatar ku ah amniga gobolka isla markaana ku sifeeyay “xadgudub cad Sidoo kale waxa uu sheegay in saldhig milatari oo Israa’iil ka dhisanayso Somaliland uu noqon karo mid wax laga weeraro
Madaxweynaha Xamar jooga wax uu ka og yahay heshiiska aan la galnay Israa’iil haba yaraatee ma jirto
Ma uusan caddeyn in saldhig milatari uu si rasmi ah uga mid ahaa heshiiska iyo in kale, balse wuxuu xusay in Somaliland iyo Israa’iil ay ka wada shaqeyn doonaan danaha ay wadaagaan, isla markaana aanu jirin wax shuruud ah oo ku xiran heshiiska labada dhinac.
Tallaabada Israa’iil ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid dalal gobolka ah iyo beesha caalamka. Arrintan ayaa sidoo kale la horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo cambaareeyay go’aanka Israa’iil, marka laga reebo Maraykanka oo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay go’aamadeeda, balse cadeeyay in aanay waxba iska beddelin siyaasaddiisa ku aaddan Somaliland.